DF oo sheegtay in Al-Shabaab badan lagu laayay howlgal ka dhacay Puntland

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ay ka fuliyeen qaybo kamid ah dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

 

Howlgalkan oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab ayaa si gaar ah uga dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, waxaana lagu dilay in ka badan 20 Shabaab ah oo ay ku jiraan saddex sarkaal, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaabka lagu laayay howlgalka ayay dowladda sheegtay inay isku uruursanayeen halkaasi, waxaana jiro dhaawacyo tiro badan, sida lagu sheegay bayaanka soo baxay.

Sidoo kale dowladda ayaa wasaaradda warfaafinta oo qoraalka baahisay ayaa sheegtay in laga hortegay weerar ay soo abuubulayeen xubnaha dilka iyo dhaawac loogu gaystay dhulka buuraha ee gobolka Sanaag.

“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland” ayaa lagu yiri qayb kamid ah warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan dhagarro badan oo cadowgu diyaarinayeen, waxaana dowladda ka go’an dhamaystirka Al-Shabaab si dadkeenu ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo.”

Halkan hoose ka akhriso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here