Dowladda Soomaaliya oo wada-hadallo la yeelatay Ururka Midowga Afrika + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md Duran Axmed Faarax ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjire kuxigeenka Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Ms. Fiona Lortan.

Kulanka ayaa looga hadlay Amniga Garoonka Aden Cabdulle ee Muqdisho iyo xayndaabkiisa, Waxaan ergayga Midowga Afrika ay sheegtay in si dhow ula shaqaynayaa Dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS Duran Farah ayaa sheegay in dhankiisa uu soo dhawaynayo Wada shaqaynta Saraakisha sare ee ATMIS iyo Midowga Afrika, waxanaa intaas uu ku daray in talooyin wax ku ool u ah Amniga Garoonka iyo Nawaaxigiisa la is dhaafsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here