DF Soomaaliya oo war ka soo saartay dilkii loo geystay Safiyo Abuukar Karaani

0

MUQDISHO (SMN) – Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dilkii xalay Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Safiyo Abuukar Karaani oo aheyd agaasimihii maamulka iyo maaliyadda wasaaradda.

Ugu horreyn wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa tacsi u dirtay ehellada marxuumadda, oo ay uga baryeen inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowsa.

Safiyo Karaani ayaa kooxo ku hubeysnaa bistoolado waxa ay ku dileen waddada Maka Al-Mukarrama, gaar ahaan agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:-

Innaa lillahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , oo ay ugu  horreeyaan Wasiirka , wasiiru Dawlaha , Wasiir ku-xigeenka , Agaasimaha Guud , agaasime waaxeedyada iyo dhammaan howlwadeennada  waxay la murugoonayaan geerida Allaha u naxariisto, Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda , Safiyo Abuukar Karaani oo caawa Muqdisho ku geeriyootay.

AUN Maamo Safiyo,  adeeggii qaranka ee marxadaha kala duwan ee waqtiga dheer ah ay ku soo shaqaysay iyo hoggaaminteeda waxay tusaale u ahaayeen Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenaynaa  dhammaan Carruurta iyo qoyska. Waxaana Eebe uga baryeenaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo. Aaamin!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here