Dhulka la siiyay Itoobiya oo horay looga helay laba ceel oo shidaal ah

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo u warramay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xadgudubka Itoobiya ee madax bannaanida Soomaaliya.

 

Xagaa oo ka hadlayay heshiiskii Addis Ababa ee maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin damaca Itoobiya, ayna ka hotegi doonaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay muhiimadda uu leeyahay dhulka haatan la siiyay Itoobiya, isaga oo tilmaamay in sahmin la sameeyay hadda kahor lagu ogaaday inay ku yaallaan laba ceel oo shidaal ah iyo khayraad kale, isla markaana aysan marnaba ka tanaasuli doonin dhulkaasi qiimaha badan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo walaac xoogan uu ka dhashay heshiiskii ay wada gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaas oo ay Somaliland ku siisay Itoobiya 20 KM oo kamid ah baddeena.

Arrintaas oo xadgudub ku ah madax banaanida Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka hortimid dowladda federaalka oo soo saartay go’aano ka dhan ah heshiiskaas oo sidoo kale la kulmay cambaareyn ka timid qaar ka mid ah dowladaha caalamka iyo ururada caalamiga oo garab istaag u muujiyay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here