Dib u dhac ku yimid shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dib u dhac uu ku yimid shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo lagu waday in 27-ka bishan oo berri ku beegan inuu ka furmo gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dib u dhaca uu yimid, kadib markii uu Madaxweynaha Puntland dalbaday in dib loogu dhigo, sababo la xiriira khilaafka ka taagan magaalada Boosaaso, wuxuuna codsaday in la siiyo muddo hal todobaad ah, si uu xal uga gaaro xiisada Puntland.

Dib u dhaca ku yimid shirkan ayaa sidoo kale kusoo beegmayo, iyada oo uu banaanka usoo baxay khilaaf horleh oo soo kala dhex-galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Xaaladaha soo kordhay ee ka taagan magaalada Muqdisho ayaa uga sii daraya dib u dhaca doorashooyinka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here