Dib u dhac ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaranka + sababta

0

Dib u dhac ayaa lagu soo warramayaa inuu ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaranka ee la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirkan oo uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa dardar gelinta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Shacabka.

Sidoo kale ajandaha shirka waxaa qeyb ka ah diyaarinta habraaca doorashooyinka Aqalka Hoose iyo sidoo kale raadinta dhaqaalaha ka dhimman hirgelinta doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in dib u dhaca ku yimid shirka uu keenay safarka Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada oo aan weli imaan magaalada Muqdisho.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan iyo is jiid jiid muddo soo taagnaa oo sababay in doorashada lagu qaban waayo xilligii loo asteeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here