Dibad-bax looga soo horjeedo ciidanka AMISOM oo ka dhacay Muqdisho

0

Boqlaal dadweyne ah ayaa maanta Muqdisho ka dhigay dibad-bax looga soo horjeedo dil ay dhowaan ciidamada AMISOM dad shacab ahaa ugu geysteen gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka dhigayey dibad-baxa ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid ahayeen dil gar-darro ah dooni meyno, xasuuq dooni meyno iyo erayo kale, kuwaas oo ay ku muujinayeen dareenkooda ku aadan dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey Golweyn.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in AMISOM ciidankeeda ay si bareer ah oo arxan daro ah ay u dileen dadkaas, iyagoo falkaasi ku tilmaamay inuu ahaa xasuuq loo geystay dad beerahooda iyo deegaankooda ku sugnaa.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamada AMISOM ay deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/Hoose ku dileen 7 ruux oo shacab ahaa, kadib markii qarax lagula beegsaday halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here