Dibadbax rabshada wata oo ka dhacay magaalada Muqdisho + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Dadweyne ka careysan xarigga loo geystay Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa haatan banaanbax ka wada gudaha magaalada Muqdisho.

 

Dibadaxa ayaa waxaa dhigaya beesha uu kasoo jeedo sarkaalkan oo shalay laga soo xiray Xaafaddda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.

Dadweynahan ayaa socod kasoo bilaabay degmada Wadajir, waxayna isku fidiyeen waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Sidoo kale waxa ay ku qaylinayaan erayo ka dhan ah madaxa dowladda oo ay ku cambaareynayaan xarigga loo geystay Jeneraal Sheegow.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in si deg deg aj loo soo daayo sarkaalkaasi, haddii kale ay sii wadayaan banaanbaxooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Sheegow inuu dhibaato ku hayay shacabka degmada Dharkenley, sidoo kalena uu gabaad siin jiray kooxaha burcadda ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here