Diiwaangalinta xubnaha musharixiinta madaxweynaha oo lasoo gabagabeynayo

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maanta ku eg muddadii seddexda maalmood ee loo qabtay diiwaagalinta xubnaha musharixiinta madaxweynha, taas oo soo bilaabay sideedii bishaan May.

Illaa iyo hadda waxaa is diiwaangaliyay 32 musharax oo uu ka midyahay madaxweynaha dowladda  federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale waxaa maanta la filayaa in ay is diiwaangaliyaan musharixiin kale oo uu ka mid yahay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha, taas oo la qaban doono 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here