Diyaaraddii ugu horeysay ee qaadata ruqsadda oo rakaab geysay Kismaayo

0

Garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo ayaa waxaa maanta duulimaad ku timid diyaaradii ugu horaysay ee qaadato taarkada diyaaraddaha ee Soomaaliya islamarkaana ah diyaaraddii ugu horaysay ee iska diiwaan galiso wadankeena Soomaaliya

Diyaaraddan ayaa saaka kaso kacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana ay siday rakaab sodon (30) qof gaaraya iyadoo ay maanta u ahayd duulimaadkeedi ugu horeeyay ee ay samayso tan iyo markii laga soo gaday dalka Koofur Africa.

Maamulka Garoonka Diyaaradah Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Maamulada Shirkaddaha Diyaaraddaha ee ka shaqeeya magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay wadajir uga wada shaqeenayay sidii loo hormarin lahaa islamarkaana diyaaraddaha ka howl-gala deegaanada Jubbaland ay u noqon lahaayeen kuwo haysta Sharciga Soomaaliya si bulshada ay mar walba u ahaadaan kuwo adeegyada loo hayo sare loo qaaday.
Cabdixakiin Daahir Maxamed oo ah madaxa Shirkadda Halla ee iska leh diyaaraddan duulimaadyada ka bilowday deegaanada Jubbaland gaar ahaan Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ee Kismaayo ayaa faah-faahin ka bixiyay sida diyaaradan ay duulimaadkan ku bilowday iyo nidaamkii ay ku qaadatay Sharciga Taarkaada Diyaaraddaha ee Dalkeena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here