Diyaaraddii ugu horreysay oo gargaar sida oo ka degtay Beledweyne + Sawirro

0

BELEDWEYNE (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxa ay gaarsiisay diyaaradii ugu horaysay oo sidda shixnad mucaawino ah taas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee magaaladas ku nool kuwaas oo ay sameysay fatahaada wabbiga Shabeelle.

 

Diyaaraddaan ayaa watay 7-tan oo gargaar ah, waxaana maalinta berri ah magaladaas hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA u diri doontaa ilaa saddex diyaarad oo sida shixnaddo mucaawino ah.

Shixnaddaan gargaar waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne kula wareegay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here