Doorashada afar kursi oo maanta ka dhaceyso magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in doorashada 4 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ay ku qabato magaalada Dhuusamareeb.

Afarta kursi ee la qaban doono doorashadooda ayaa kala ah HOP#064, HOP096, HOP248 iyo HOP#089 oo dhammaan deegaan doorashadooda ay tahay caasimada Galmudug.

Kursiga HOP#064 ayaa afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ku fadhiday Sahro Cumar Maalin, hase yeeshee waxaa ku tartamaya maanta musharaxiinta kala ah Mohamed Ibrahim Cali (Mohamed Cajiib) iyo Cabdullahi Iimaan Afrax.

Kursiga HOP096, waxaa ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Cabdicasiis Cilmi Cali balse waxaa maanta ku tartamaya Qaali Axmed Diiriye iyo Xakiimo Xirsi Cali.

Kursiga HOP248 ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Maxamed Axmed Abtidoon, hase yeeshee waxaa ku tartamaya kursigan Saadaq Cumar Xasan iyo Cabdullahi Xirsi Diirshe.

Kursiga HOP#089 waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Cabdi Shire Jaamac balse waxaa ku tartamaya maanta musharaxiinta kala ah

1- Yaasiin Cabdi Jaamac
2- Qaasim Cabdikariin Cilmiseed
3- Baar Maxamed Raage

Tallaabada ay Galmudug u qaaday dhinaca doorashada ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii ka dhacay Muqdisho ee ay wada gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here