Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ma la dhameyn karaa, kahor 15-ka March?

0

MUQDISHO (SMN) – Doorashada Soomaaliya ayaa muddo dheer soo jiitameysay, ayada oo dhowr mar ay dib u dhacday sababo la xiriira khilaafyo siyaasadeed oo u dhaxeeyay madaxda sare ee dalka.

Markii ay bilowdeenna waxaa ugu yaraan laba mar dib loo dhigay waqtiga lagu soo gabagabeynayo.

Haatan waxaa ka dhiman muddo afar maalmood ah waqtigii ugu dambeeyay ee loo kordhiyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada. Waxaase soo baxaya walaac laga qabo in mar kale waqtigaasi ay dib uga dhacdo.

Illaa 53 kursi ayaa dhimman guud ahaan doorashada Golaha Shacabka, waxaana ugu daran 16-ka kursi ee yaalla magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here