Doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta ka dhaceysa Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee qabashada doorashada guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo maanta lagu wado inay ka dhacdo Teendhada Afisyooni.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa adkeeyay ammaanka waddooyinka gala xerada Afisyoone halkaas oo la filayo in lagu doorto guddoomiyaha golaha Aqlka sare ee dalka.

Guddiga doorashooyinka ayaa horay u shaaciyay in maanta oo ay taariikhdu tahay 26 April 2022 la qabanayo doorashada guddoomiyaha Aqalka sare, halka 27-ka oo ah berrina lagu wado in la doorto guddoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here