Doorashada kuraas ka mid ah BF oo ka dhacday Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Doorashada saddex kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Kursiga koowaad ee HOP#218 waxaa kusoo baxay Dr Maxamed Elmi Ibraahim oo loo qaaday cod gacan taag ah, kadib markii loo tanaasulay, wuxuuna helay 98 cod.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#270 ayaa waxaa kusoo baxay Cabdiwahaab Cabdi Cumar oo helay 97 cod, kadib markii ay isna u tanaasushay Muna Axmed Diiriye.

Kursiga saddexaad ee HOP#226 waxaa sidoo kale ku guuleysatay Maryan Maxamed Ciise oo heshay 95 cod, waxaa iyana u tanaasushay Khadiija Cali Warsame.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here