Doorashada kuraas ka mid ah BF oo ka dhaceysa magaalada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta lagu wadaa in degmada Baraawe oo ah degaan doorashada labaad ee Koonfur Galbeed inay ku qabtaan doorashada Todoba kamid ah kuraasta golaha Shacabka oo 13 kamid ah ay dhawaan Guddigu sheegay in doorashadooda halkaasi  lagu qabanayo.

Guddiga ayaa shalay diiwaangeliyay 26 musharrax oo Maanta iyo beri ku tartami doona 13 kursi ee Golaha Shacabka..

Maalinta berito ah ayaa sidoo kale la filayaa in degmada Baraawe lagu doorto 6 kamid ah 13 kursi ee Golaha Shacabka ee loo asteeyay in halkaas lagu doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here