Doorashada kuraas ka mid ah BF oo ka socota magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa haatan ka socota magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Doorashada oo kursigii ugu horreeyey la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo loo doortay kursiga HOP#139.

Cabdisamad oo kursiga loo xiray ayaa waxaa u tanaasushay, Xamdi Cali Shire waxaana kadib loo qaaday cod gacan taag ah, isaga oo helay 101 cod.

Kursigan waxaa horey ugu fadhiyey, Cabdixakiin Macalin Axmed oo kol hore loo doortay Senatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa kuraasta xigta ee maanta loo qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here