Doorashada kuraas ka mid ah BF oo lagu qabanayo magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Jubbaland ayaa maanta shaacisay inay qabaneyso doorashada illaa 6 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qaban-qaabada doorashada oo goordhow lagu wado inay bilaabato ayaa haatan ka socota gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Guddiga doorashada ee Jubbaland ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay fulinta heshiiskii doorashooyinka ee dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah:-

1-Hop107 oo ay ku fadhisay Xaawo Maxamed Aadan.

2-Hop114 oo uu ku fadhiyyey Cabdulqaadir Maxamed Cismaan,

3-Hop120 oo uu ku fadhiyey Cabduqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) oo mar soo noqday Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya.

4-Hop111 oo uu ku fadhiyey Maxamed Nuur Iftin Shambara.

5:Hop028 oo uu ku fadhiyey Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir

6: Hop093 oo uu ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Diinta & Awqaafta Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here