Doorashada 16 kursi oo maanta oo lagu qabtay Boosaaso + Sawirro

0

BOOSAASO (SMN) – Magaalada Boosaaso waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Illaa sagaal kursi ayaa haatan doorashadooda la qabtay, waxayna kala yihiin:-HOP#227, HOP#273, HOP#157, HOP#234, HOP#076, HOP#169, HOP#083, HOP#220, HOP#149, HOP#158, HOP#027,  HOP#036, HOP#222, HOP#228, HOP#142 iyo HOP#190.

Sidoo kale 16-ka xildhibaan ee ku soo baxay kuraastan ayaa kala ah|_

1-Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) taliyihii hore ee ciidamada Booliska oo ku guuleystay Kursiga HOP#273. 2-Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi oo ku guuleystay doorashada Kursiga HOP#227. 3-Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) oo ku guulaystay Kursiga HOP#157. 4-Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali oo ku guuleysatay Kursiga HOP#234. 5-Muuse Axmed Ismaciil oo ku guuleystay Kursiga HOP#076. 6-Cali Mahdi Maxamed oo ku guuleystay Kursiga HOP#169. 7-Maxamed Bashiir Cali oo ku guuleystay Kursiga HOP#083. 8-Cali Xaaji daahir Saleebaan oo ku guuleystay Kursiga HOP#220. 9-Faysal Axmed Maxamud oo ku guuleystay Kursiga HOP#149. 10-Saddaam Maxamuud Cabdi oo ku guuleystay Kursiga HOP#158. 11-Siciid Cali Muuse oo ku guuleystay  Kursiga HOP#027. 12-Maxamed Aadan Diini oo ku guuleystay Kursiga HOP#036. 13-Caynaanshe Yusuf Xuseen oo ku guuleystay kursiga HOP#222. 14-Cabdilaahi Faarax Mire oo ku guuleystay kursiga HOP#228. 15-Ismaaciil Shire Jaamac oo ku guuleystay  Kursiga HOP#142. 16-Maxamed Cabdi Maxamed oo ku guuleystay  Kursiga HOP#190.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here