Doorashada kursi ka mid ah BF oo ka dhacday magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka socota doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi (Somaliland).

Jaamac Maxamed Askar, ayaa ku soo baxay kursiga HOP#254, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey, wuxuuna helay 99 cod oo gacan taag ah.

Halkan hoose ka aqriso natiijada kasoo baxday guddiga.

Muqdisho, 19 Dec-2021: Doorashada Gollaha Shacabka xildhibaanada gobolada waqooyi Somaliland.

Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland ayaa maanta qabtay kursiga tirsigiisu yahay HOP#254 oo ay ku tartameen musharixiinta kala ah:

1. Musharax xildhibaan mudane Jaamac Maxamed Askar
2. Musharax xildhibaan Aadan Axmed Nuur Haybe

Musharax xildhibaan mudane Aadan Axmed Nuur ayaa ka tanaasulay tartanka Doorashada.

Natiijada Hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#254 mudane Jaamac Maxamed Askar oo helay 99 cod oo gacantaaga ah, codadka xumaaday 0, 2 qof ayaa ka aamusay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here