MUQDISHO (SMN) – Guddiga maamulka doorashada Jubbaland ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaba-gabeyaan doorashada labadii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taallo magaalada Kismaayo.
Guddiga ayaa shalay Shahaadada musharaxnimo waxa ay guddoon siiyeen musharaxiinta u tartami doono labada kursi ee maanta doorashadooda lagu qabanayo Kismaayo.
1-Hop#219 ayaa waxaa ku wada tartami doono Roodo Carab Cabdi iyo Faadumo Cabdi Cali
2-Hop#133 ayaa isna waxaa ku tartami doono Maxamuud Axmed Xasan iyo Maxamed Xasan Aadan.