Faah faahino kasoo baxaya dilal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmada gobolka Banaadir.

Dilka 1-aad ayaa waxaa loo geystay Allaha u naxariistee Cabdinuur Cabdullaahi Warsame oo ku sugnaa qaybo ka mid ah degmada Warta Nabadda.

Marxuumka oo ka mid ah dhalinyarada deegaanka ayaa la sheegay inay dileen kooxo burcad ah oo ka dhaceysay taleefan, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale dilka labaad oo ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Haramcad oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Keydsane, kaas oo la sheegay in dilkiisu ay geysteen askar kale oo ka tirsan NISA.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac uu soo kala dhex-galay kala shaki, taas oo keentay inay dhex-marto is rasaaseyn kooban.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdooyinkaasi xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here