Dowlada Jabuuti oo soo dhaweysay heshiiskii laga gaaray Dorashooyinka

0

Dowladda Jabuuti waxa ay soo dhaweyneysaa heshiiskii khamiistii 27 bisha May sanadka 2021 Dowladda Fadraalka ah ee Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka ay gaareen kaas oo dhigayay in si madax banaan oo daahfuran Doorasho looga qabto Soomaliya mudo 60 cisho gudahood ah.

Jabuuti waxa ay kuu dhiiri galineysaa dhamaan saamileyda siyaasadeed ee dalka iney si buuxda  uga qeyb qaataan heshiiskaan lagu doonayo in looga gudbo xaalad kasta oo keeni kara xasilooni daro amni oo soo wajahda dalka.

Dowladda Jabuuti waxa ay taageereysaa howsha ka socota  Dalka waxa ayna u rajeyneysaa Dowladda Soomaaliya  xasilooni, Nabad, iyo hormarka buuxa.

Qoraalkan ka soobaxay Dowladda Jabuuti ayaa ugu danbeeyntii lagu yir: in badan ayay Dowlada jabuuti ka dalbaneysaa beesha caalamka inay si buuxda u wada taageeraan dadaalka ka Socda Soomaaliya, xasiloonida dalka ay u cago dhigato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here