Dowladaha Soomaaliya iyo Kuwait oo iska kaashanaya tababarka diblomaasiyadda

0

KUWAIT CITY (SMN) – Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh ayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuwait kula kulmay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mac-hadka Saud Nasser Al-Sabah ee Diblomaasiyadda Mudane Danjire Nasser Subiix Al-Sabiix.

 

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga barnaamijyada tababarrada si kor loogu qaado khibradda iyo aqoonta dublamaasiyiinta iyo fududaynta hindisayaasha aqoon isweydaarsiga si loo ballaariyo aragtida dhinaca diblomaasiyadda.

Kuwait ayaa kamid ah waddamada Carbeed ee xiriirka la leh Soomaaliya, kaas oo sanadihii u dambeeysy aad usii xoogeysanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here