Dowladaha Turkiga iyo Masar oo ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya

0

ANKARA (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry iyo dhigiisa Turkiga Hakan Fidan ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, iyagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto arrimaha ka taagan iyo in la helo xasilooni waarta oo dalkoo dhan lagu soo dabaalo.

 

Tani waxay ka tarjumeysaa dadaalka ballaaran ee labada dal ay ku doonayaan inay iska kaashadaan amniga iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika, oo xasarado ka taagan yihiin dhibaatooyin kala duwan, oo abaaro, dagaallo iyo xasilooni daro siyaasadeed.

Shoukry ayaa hadalkan jeediyay mar uu si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen isaga iyo dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan magaaladda Istanbul.

Turkiga iyo Masar ayaa kamid ah dalalka xiriirka wanaagsan kala dhaxeeyay Soomaaliya, waxayna dowlada Faderaalka siiyaan taageero dhaqaale iyo mid military.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here