Dowladda Hoose ee Xamar oo daah furtay qorshaha Faya-dhowrka bulshada

0

Munaasabad balaaran oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu daah furey qorshaha Faya-dhowrka Caafimaadka dowladaha hoose ee Xamar, kaas oo ah bixinta adeega guud ee caafimaadka bulshada magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay daah furka barnaamijkan.

Qorshahan ayaa loogu talagalay in loogu adeego bulshada si loo ilaaliyo badqabka caafimaad isla markaana la tayeeyo adeega caafimaadka guud ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here