Dowladda Kenya oo shuruud cusub ku xirtay dib u furidda xadka Soomaaliya

0

NAIROBI (SMN) – Kenya ayaa sheegtay inaysan mar dhow dib u furi doonin xaduuda ay la wadaagto Soomaaliya, sababa la xiriira amniga ee ka dhalan kara arrintan,  xilli ciidanka Midowga Afrika ka bixitaankooda Soomaaliya heer gaba-gabo ah maraya.

 

Xoghayaha wasaarada arrimaha gudaha Kenya Raymond Omollo ayaa wareysi uu siiyay Daily Nation ku sheegay in tallaabadan kusii xirnaanayso xuduuda loogu tala galay in la sugo ammaanka dalka, iyadoo ciidan dheeraad ah la geeyay dhammaan goobaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo.

Hadalka Omollo ayaa imaanaya sagaal bilood ka dib markii uu wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki, iyo dhiggiisa Soomaaliya ay ku dhawaaqeen inay doonayaan dib u furida xuduuda ka dib wada tashiyo heer sare ah oo ka dhacay Nairobi, kaasoo soo afjari lahaa 12 sano oo xannibaad ah oo bilaabmay 2011.

Iyadoo Kenya ay xuduud dhan 800 kiiloomitir la wadaagto Soomaaliya, Omollo waxa uu qiray in dowladiisa ay aad u adkeyd in la sugo amniga baraha kala qeybiyay labada dal, oo noqday kuwa Al-Shabaab kasoo gudbaan xili walba, kadibna weeraro ka fuliya gobolka waqooyi bari

Xoghayaha ayaa sidoo kale sharaxay in Kenya ay fileyso caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo la xiriira qorshaha ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, maadama Al-Shabaab wali ku xoog badan yihiin qeybo kamid ah koonfurta, gaar ahaan degaanada dhaca xadka Kenya.

Soomaaliya oo dhawaan ku biirtay bulshada bariga Afrika ayaa muhiim u ah inuu furnaado xadka Kenya, si ganacsiga isaga kala gudbo labada dal, sidoo kalena u fududaato isku socodka iyo dhaq-dhaqaaqa shacabka.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here