Dowladda Sacuudiga oo xayiraad lama filaan ah ku soo rogtay Soomaaliya

0

RIYADH (SMN) – Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay amar culus oo saameynaya Soomaaliya, gaar ahaan duulimaadyada iyo dadka u safraya dalkaasi.

Sacuudiga ayaa guud ahaan dadka ka imanaya gudaha Soomaaliya ka mamnuucday inay dalkaas u safraan illaa amar dambe.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay cudurka COVID-19 oo haatan sare uga sii kacaya gudaha Sucuudi Carabiya..

Go’aanka ayaa sidoo kale saameyneyana Ilaa 15 dal oo kale oo ay boqortooyada Sacuudiga kusoo rogtay xayiraado horleh, waxaana ka mid ah:-

India, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia , Vietnam, Armenia, Venezuela iyo Belarus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here