Dowladda Shiinaha oo ka qeyb-qaadaneyso nabadda Soomaaliya

0

Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay inay kaalin ka qaadan doonto dib usoo celinta nabad dalka Soomaaliya oo mudo tobanaan sano ah kusoo jiray colaado iyo kala dambeyn la’aan kadib burburkii dowladdii dhexe.

Dai Bing oo ah ku simaha safiirka Shiinaha ee Gollaha amaanka ayaa sheegay dowladdiisa ay la shaqeynayso dalalka beesha caalamka si nabad waarta iyo horumar loo gaarsiiyo dalkan dhaca Geeska Afrika.

Sidoo kale wuxuu sheegay diplomaasiga u dhashay Shiinaha in Soomaaliya ay horumar fiican ka sameysay dhanka siyaasadda, taasoo qeyb ka ah heshiisyada doorashadda ee la gaaray, kuwaasoo horseeday inay doorasho la isku raacsan yahay ka dhacdo dalka.

Dhanka kale, safiirka ayaa soo dhaweeyay dib usoo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo rajeeyay inay tallaabadaas ay wax ka bedeli doonto xaalada amni ee gobolka geeska africa.

Dowladah Shiinaha waxay sheegtay inay taageerayso AMISOM iyo Ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, islamarkaana ay beesha caalamka kala shaqeynayso taageerida dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here