Dowladda Soomaaliya oo aqoonsatay maamulka KMG ah ee SSC-KHAATUMO

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay aqoonsantay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo ay dhisteen dadka deegaanka.

 

Go’aankan ayaa waxaa shaaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, isaga oo sheegay in dowladdu ay la shaqeyn doonto maamulkaasi.

Dowladda federaalka ayaa ku dhowaaqday inay si rasmi ah u aqoonsantay maamulka KMG ah ee SSC oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale warsaxaafadeed uu akhriyay Fiqi ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo, kaas oo sheegayay in aysan katirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda Federaalka.

“XFS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laacaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, isla-markaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas  dhisteen” ayuu warsaxaafadeed ku yiri wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here