Dowladda Soomaaliya oo arrimo xasaasi ah kala hadashay Masar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa oo ay weliyaan Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed iyo Safiirka JFS ee Wadanka Zambia Danjire xaawo Xasan ayaa kulan doceed la yeeshay Wafdi ka socda Dowlada Masar ee ka qeybgalayay Shirka wadamada ku bahoobay COMESA ee ka socday Wadanka Zambia.

 

Dowladda Masar ayaa waxaa shirka ku matalayay Moataz Anwar, Safiirka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar u fadhiya Zambia, ahna wakiilka joogtada ah ee Masar u jooga COMESA, Ambassador Amr Abbas,

Kaaliyaha Wasiiru dowlaha Socdaalka iyo Arrimaha Dibadda Masar iyo Dr Salma Sakr, ku-xigeenka wasiirka socdaalka ee xiriirka caalamiga ah iyo arrimaha qurbajoogta Masar.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka Dadka Soomaaliyeed ay ku qabaan helitaanka Dalku-galka Masar, iskaashi dhaxmara Soomaaliya iyo Maaar ee dhanka Socdaalka ah iyo in labada wadan yeeshaan xiriir dhanka Socdaalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here