Dowladda Soomaaliya oo ciidamo ka dajisay magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ciidamo dheeraad ah ka dajisay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Ciidamadan oo gaaraya illaa 200 oo askari, kana tirsan Haramcad ayaa waxaa saaka diyaarado looga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay ku biiri doonaan kuwa dowladda Soomaaliya ee haatan ku sugan deegaanada maamulka Galmudug.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo haatan ay Galmudug ka soo cusboonaatay xiisad horleh, kadib markii ay Ahlu Sunna la wareegtay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here