Dowladda Soomaaliya oo maanta ciidamo horleh u dirtay gobolka Galgaduud

0

CADALE (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta 1,500 oo askari u dirtay Galmudug, si ay uga qayb-qaataan howlgallada ka socda bariga gobolka Galgaduud.

 

Ciidamadan oo aad loo qalabeeyay ayaa lagu diyaariyay magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Sh/Dhexe, waxayna isugu jiraan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamadan kasii sagootiyay degmada Cadale, waxayna sidaas ku aadeen furinta hore ee dagaalka.

Yaasiin Farey oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo dardaaran u jeediyay ciidamadan ayaa sheegay in laga sugayo inay Al-Shabaab ka xoreeyaan Galmudug.

Dowladda federaalka ayaa haatan wadda abaabul xoogan oo ku aadan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa dalka, waxaana howlgalladu ay hadda ka socdaan gobollada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here