MAXAAS (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka Al-Shabaab oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga sifeynayo Al-Shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu socon doono inta Al-Shabaab laga saarayo dalka oo dhan.
Si kastaba, madaxweynaha ayaa muddo bil ah ku sugnaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka hoggaaminayay dagaalka Al-Shabaab.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-


![Doorashadda Maamulka HirShabeelle oo dib u dhac ku yimid [War-Saxaafadeed]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2025/03/Guddiga-madaxa-banaan-ee-doorashooyinka-dalka-150x150.webp)

