Dowladda Soomaaliya oo markab sida gargaar kala wareegtay Ruushka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda Muqdisho waxa uu dowladda Ruushka kala wareegay markale markab sida shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay dadka soomaaliyeed ee iskugu darsomeen colaadaha iyo daadadkii Elniino .

Gargaarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka yimaada Ruushka ee la keeno Soomaaliya, waxana uu garayaa 25,000 kun oo Qamadi ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka mahadceliyey gargaarkaan, isaga oo sheegay in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay garsiin donaan si lamid ah sidii gargarakii hore loo gaarsiiyey.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here