Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay ka hortegtay weeraro qaraxyo ah

0

KISMAAYO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay ciidamada Danab ka sameeyeen deegaanada Gabdhoole iyo Beerxaani oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah saraakiisha dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari nooca raaxada ah oo lagu soo buuxiyey walxaha qaraxa, isla-markaana ay toogteen wadihii gaariga, inta uu socday howlgalka lagu fashiliyey weerarkaasi qaraxa ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen inay soo saaraan miinooyin lagu aasay halkaas ayna toogasho ku dileen 2 nin Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here