Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in hoos u dhaca taageerada dhaqaale ee ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah uu saameyn ku yeeshay xawliga kobaca dhaqaalaha dalka, inkastoo ay jiraan horumaro muuqda oo dhinaca maaliyadda ah sanadihii ugu dambeeyay.
Wasiirka ayaa faahfaahiyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii 2024 kor u kacay 4%, hase yeeshee saadaasha sanadka 2025 ay hoos ugu dhacday ku dhowaad 1% sababta oo ah yaraanta caawimada dibadda.
Biixi Iimaan Cige ayaa intaa ku daray in dowladda federaalka ay xooga saareyso xoojinta maamulka maaliyadda, dib-u-habeynta nidaamyada cashuuraha iyo kordhinta dakhliga gudaha, taasoo muhiim u ah horumarinta adeegyada bulshada iyo maalgelinta mashaariicda muhiimka ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay horumarka laga gaaray dijitalaynta nidaamyada cashuuraha, taas oo kordhisay dakhliga gudaha in ka badan 80% saddexdii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale, miisaaniyadda qaranka ayaa sanadihii 2024 iyo 2025 kordhay 24%, inkastoo weli ay jirto baahi weyn oo loo qabo maalgelin caalami ah.
Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay qaadatay hab taageero oo bartilmaameed leh, si loo hubiyo in kheyraadka la helo uu gaaro meelaha ugu baahan horumarineed.



