Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la wiiqay awooddii Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMNN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qayb-galayay dood ku saabsan dagaalka Al-Shabaab oo diiradda lagu saaray sanad kadib guulaha laga gaaray ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

 

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkan ay guul weyn kasoo hooyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la wiiqday awooddii Al-Shabaab ee dhanka milatariga iyo dhaqaalaha, taasna ay ku timid iskaashiga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa carabka ku goday in Al-Shabaab ay u burbureen nimdaan ahaan, ciidan ahaan iyo maaliyad ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu boggaadiyay baraaruga dadka deegaanka ee haatan ka qayb qaadanaya gulufka dagaal ee ka socda inta badan gobollada dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli uu socda wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo ay guulo waa weyn kasoo hooyeen ciidanka Xoogga dalka  Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka, maadaama  dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here