DF Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ku dishay 32 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalllo duwan oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, isla-markaana lagu beegsaday xubnaha Al-Shabaab.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalladan oo ay qayb ka ahaayeen saaxibada caalamig ah uu midka koowaad ka dhacay duleedka degmada Awdheegle, isla-markaana lagu dilay illaa 27 xubnood.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in howlgal kalen oo ka dhacay deegaanka Basra lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Halkan hoose ka akhriso:-

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay Beerta Sheekhow oo 16KM qiyaastii u jirta degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

27 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay ka dib markii la ogaaday inay isku aruursanayeen Beertaan

Sidoo kale Howlgalka waxaa lagu burburiyay saanad Ciidan iyo fariisimihii Khawaarijta ee ku yaalay halkaas.

Dhinaca kale ilaa iyo Shan ka tiran Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qayb ka ahaa Howlgalka sifaynta Jiinka wabiga oo ka dhacay deegaanka Basra.

Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka oo Saaxiibada caalamka ayaa ogaaday koox khawaarij ah oo doonayay inay arbushaan ciidanka kuwaas oo lagu laayay halkii ay isku abaabulayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here