Dowladda Soomaaliya oo tanaasul ka oggol farsamada doorashada, balse ku adkeysatay qof iyo cod

0

MUQDISHO – Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar u ah inay tanaasul ka sameyso arrimaha farsamo ee doorashada, balse kama tanaasuli doonto hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Cabdifataax Qaasim Maxamuud.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay inay heshiis ka gaarto qodobbada farsamo ee la isku mari karo, hase yeeshee ay ka go’an tahay in dalka loo jiheeyo hannaan doorasho oo qof kasta uu codkiisa ku dhiiban karo.

Cabdifataax Qaasim ayaa sheegay in madaxda mucaaradka, gaar ahaan kuwa Puntland iyo Jubaland, aysan weli dowladda si rasmi ah ugu soo gudbin mowqifkooda ku aaddan ka qaybgalka ama diidmada hannaanka doorashada ay xukuumaddu waddo.

Waxa uu xusay in dowladda ay diyaar u tahay tanaasul ku saabsan habraacyada iyo arrimaha farsamo ee lagu heshiin karo, balse aysan aqbali doonin in laga laabto mabda’a doorashada qof iyo codka ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka go’an yahay in Soomaaliya ay si madax-bannaan uga faa’iidaysato khayraadkeeda, isla markaana ay yareyso ku-tiirsanaanta dhinacyada shisheeye ee amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Dhanka kale, Cabdifataax Qaasim ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku eedeeyay inay xiriir iyo wada-shaqayn la leeyihiin Al-Shabaab iyo dhinacyo shisheeye oo uu ku sheegay inay doonayaan inay wiiqaan dowladnimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda ay waqti dambe soo bandhigi doonto xogta ay u hayso eedeymahaas, inkasta oo uusan faahfaahin caddeymaha uu tilmaamayo.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in qaar ka mid ah dadka uu eedeymaha u jeediyay ay ku lug lahaayeen dagaallo, isaga oo sheegay in qaarkood la dilay halka kuwo kalena la qabtay.

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo salka ku haya hannaanka doorashada dalka.

Cabdifataax Qaasim ayaa ku adkeystay in Madaxweyne Xasan Sheekh lagu doortay hannaan dimuqraadi ah, sidaas darteedna ay tahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo hannaan la mid ah.

Waxa uu sheegay in aan dowladda lagu khasbi karin adeegsiga awood ama rabshado inay ka tanaasusho hannaanka doorasho ee ay taageersan tahay.

Khilaafka doorashada ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay, iyadoo dowladda federaalku ku baaqayso in dalka loo gudbiyo doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay walaac ka muujiyeen habka loo hirgelinayo iyo baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here