Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn diiradda u saartay xoojinta amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo hirgelinta hannaan dimuqraadiyadeed loo dhan yahay.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad lagu xusayay Maalinta Yurub (Europe Day) ayaa bogaadiyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ka ah ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada bani’aadannimada, amniga, dib-u-dhiska dowladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar muuqda, iyadoo dowladdu xoogga saareyso dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, kobcinta dhaqaalaha, ballaarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay qorsheyneyso hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda. Wuxuu tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay wadatashi iyo is-afgarad lagu xoojinayo amniga iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ka qeyb qaataan wadatashiyada qaran ee ay dowladdu fidisay, si loo ilaaliyo danta guud iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
“Marxaladdan muhiimka u ah dhismaha Qaranka, waxa uu dalkeennu u baahan yahay wadatashi iyo wada-shaqayn wax dhisaysa, xalal waara iyo midnimo qaran,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.




