Duqa magaalada Muqdisho oo weli kulamo ka wada dalka Serbia + Sawirro

0

BELGRADE (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Belgrade ee dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta Machadka Vlatacom iyo Shirkadda PULSEC ee ka shaqeysa Horumarinta iyo Amniga ku dhisan Tiknoolajiyadda Casriga ah.

 

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay Mas’uuliyiinta Machadka Vlatacom iyo Shirkadda PULSEC sidii Dowladda Hoose ee Xamar loogu taageeri lahaa Horumarinta Amniga ee Tiknoolajiyadda Casriga ah iyo sidii aqoon kororsi iyo Tababaro loo siin lahaa Howlwadeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo iskaashiga Horumarinta Amniga Tiknoolajiyadda Casriga ah, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneysa sugida Amniga Caasimadda iyo Adeegyada kale ee bixiso Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa waxaa Duqa Muqdisho ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya ee Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha xiriirka dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar iyo Diplomaasiyiin ka howl-gala Safaaradda Soomaaliya ee Serbia.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here