Duqa magaalada Muqdisho oo xalay kormeer sameeyey + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waqti la qaatay qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan gudaha caasimadda.

Cumar Filish ayaa ka xog wareestay dadka uu la kulmay xaalada guud ee magaalada Muqdisho iyo aragtiyadooda ku aadan horumarka Caasimada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay aragtiyada iyo fikradaha shacabka ee ku aadan dhinaca amniga, bilicda, adeegyada aasaasiga iyo horumarka kaabayaasha muhiimka u ah Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here