Madaale oo dhagax dhigay wado isku xirta Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddo Laami ah ah isku xirta Waddooyinka Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud ee degmada Yaaqshid.

 

Hirgalinta dhismahaan oo qeyb ka ah mashruuca dalkaaga ku dhiso hal Dollar ayaa fulinteeda waxaa iska kaa shaday Maamulka Degmada Yaaqshid, bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo waddooyinka ugu horeeyaan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wadad dadaalo lagu hormarinayo kabayaasha dhaqaale dalka oo qeyb kayihin waddooyinka oo uu maamulka dib u dhis iyo dayactirba ku sameeyay waddoouin dhowr ah ee ku yaal Caasimadda
  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here