Duqa Muqdisho oo Geel ku wareejiyay ciidamada ku sugan furinta dagaalka

0

MUQDISHO (SMN) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si rasmi ah Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay Toban Halaad oo Geel ah oo loogu talagalay ciidamada ku sugan furinta dagaalka, iyada oo munaasabada deeqda lagu wareejinaye ay ka dhacday Saldhiga Magaalada Dhuusa Mareeb Caasimadda Galmudug.

 

Goobta uu duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ku wareejinayay Tobanka Halaad ee Geel-ka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa a Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, Taliyaha qeybta Boliiska, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in had iyo jeer uu garab taagan yahay Ciidamada qalabka ee ku howlan xoreynta deegaanada Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here