Maxamuud Macallin oo qaabilay safiirka Soomalia ee Ururka Iskaashiga Islaamka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Soomalia u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka H.E. Ambassador, Mohamed Bamba M.Boba.

 

Ujeedka kulanka wuxuu ahaa in uu guddoonsiiyo Safiirka hay’adda SoDMA kaalmo lacageed oo dhan $50,000 oo doolar, taas oo ay balan qaadeen Islamic Solidaarity fund (ISF) booqashadoodii ay ku imaadeen xarunta hay’adda maaraynta musiibooyinka bishii febarayo 2023, si abaaraha wax looga qabto.

Guddoomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahad celiyay ISF iyo OIC, garab istaagga ay u muujiyaan umadda Soomaaliyeed markasta iyo marxalad waliba oo ay marayaan.

Dhanka kale safiir Bamba ayaa ballan-qaaday in uu si dhaw ula shaqeyn doono hay’adda SoDMA oo wadda howlo aad u baaxad wayn si Soomaaliya ay uga baxdo dhibaatada bani’aadannimo ee haysata.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here