Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay waxgaradka 5 degmo + Sawirro

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Barnaamijka la tashiga dadweynaha oo uu maskaxdiisa lahaa kala qeyb galay waxgaradka Degmooyinka Wadajir, Dharkeynley, Kaxda, Dayniile iyo Hodon, kaasoo lagu qabtay Xarunta Degmada Wadajir.

Waxgaradka shanta degmo oo qiray in Barnaamijka la tashiga dadweynahu uu yahay fursad dahabi ah oo soo martay shacabka caasiamdda, ayaa waxay hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir ku amaaneen waxyaabaha la taaban karo oo uu ka qabtay shanta degmo.

Waxgaradku waxay soo gudbiyeen baahiyahooda,  iyagoo diiradda saaray dhismaha waddooyinka burbursan ee ku yaala degmooyinkooda sida Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta dhallinyarada, Haweenka, Nadaafadda, Amniga, siyaasadda iyo maareynta Biyaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed oo ka garaabay talo soo jeedinta waxgaradka shanta degmo ayaa ka jawaabayey dhamaan su’aalahii ka yimid waxgaradka, waxa uuna balan qaaday inuu intii tabartiisa ah wax ka qabanayo baahiyaha ay soo gudbiyeen bulshada.

Kulankan la tashiga dadweynaha oo ka dhacay degmada Wadajir oo ahaa kii 7-aad oo lagu qabto Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa looga gol leeyahay in si hoose la isu xog wareysto si wax looga qabto baahiyaha shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here