Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo Ka Qeyb Galay Shir Caalami ah

0

Madrid, Spain — Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xagjirka Rabshadaha Wata, Mudane Aweys Maxamed Cumar, ayaa ka qeyb galay shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Madrid ee dalka Spain, kaas oo cinwaankiisu ahaa “Iskaashiga La-dagaallanka Argagixisada ee Afrika.”

 

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga fikradaha xagjirka ah ee ku faafa qaaradda Afrika, iyadoo si gaar ah looga hadlay doorka tiknoolajiyadda casriga ah iyo sida kooxaha xagjirka ahi uga faa’iideystaan aaladaha dijitaalka ah.

Ergeyga ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay Dowladda Spain iyo qabanqaabiyeyaasha shirka martigelinta iyo abuurista madal muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo iskaashiga dhinaca la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata.

Mudane Aweys Maxamed Cumar ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan arrintan u arkin dood aragtiyeed oo keliya, balse ay tahay xaalad dhab ah oo dalka si toos ah u wajahayo. Wuxuu xusay in kooxaha xagjirka ahi muddo dheer adeegsanayeen farsamooyin casri ah oo ay ku faafinayaan dacaayadooda, ku marin habaabinayaan dhalinyarada, islamarkaana uga faa’iideysanayaan baraha bulshada iyo aaladaha dijitaalka ah.

Ergeygu wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi caalami ah oo dhinacyo badan leh si wax looga qabto khataraha amni ee ka dhasha xagjirnimada iyo argagixisada, gaar ahaan kuwa ku faafa internetka iyo warbaahinta casriga ah.May be an image of one or more people and text that says "OЙTOC QATAR eN SENEGAL SOMBLIA IRAQ"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here