Ergeyga Ururka Midowga Africa ee Soomaaliya oo ka tanaasulay xilkaas

0

Ergaygii ururka Midowga Afrika u magacaabay Soomaaliya ee dhexdhexaadinta khilaafkaadka siyaasadeed oo ah madaxweynihii hore ee Ghana, John Dramani Mahama, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay aqbalaadii xilka ergaynimo ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay ku saxeexantahay kaaliyaha gaarka ah ee John Dramani Mahama, oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee uu ku leeyahay internet-ka iyo weliba Twitter-ka, ayaa lagu sheegay in warqad uu u qoray gudoomiyaha Midowga Afrika uu madaxweynaha hore kaga noqday aqablaadiisii hore ee ahayd in loo magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Midowga Afrika

“Isaga oo uga mahad naqay Midowga Afrika kalsoonida uu ku qabo, ayaa Mahama waxa uu tilmaamay in muhiimadda weyn ee siyaasadeed ee ay u baahan tahay hawshaa loo xil saaray tahay in uu taageero iyo wadashaqayn aan tuhun lahayn ka helo dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee arintu khusayso”.

Warsaxaafadeedkaas ayaa iyada oo arinta la sii faahfaahinayo lagu yidhi “Madaxweyne Mahama oo magacaabistiisa ergeyga Midowga Afrika ay si buuxda u soo dhaweeyeen Golaha Musharaxiinta Madaxweynenimo ee Soomaaliya iyo golaha madaxweyneyaashaa dawlad goboleedyadu, ayaa sidoo kale warqadda uu u diray gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, kaga deyriyey in taageero la’aanta dhanka Dawladda Federaalku khatar gelin karto gebi ahaan ba hanaanka oo ay wiiqi karto rajada dunida oo dhami ka qabto in nabad lagu soo dabbaalo dalka Soomaaliya ee sharafta leh”.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay aqbasho ergaygaa gaarka ah ee uu Midowga Afrika u magacaabay.

Warqad wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya u dirtay gudoomiyaha Midowga Afrika, ayey ku wargalisay in aanay aqbalayn oo aanay ku taageeri doonin Mahama hawshaa ururku u igmaday.

Sida ay qoreen wargeysyo uu ka mid yahay Daily Nation oo ka soo baxa Kenya, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa sheegay in madaxweynahaa hore ee Ghana gacansaar la leeyahay madaxda Kenya, walow aanu caddaynin nooca uu yahay xidhiidhkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here