Faah-faahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo galabta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

 

Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan caasimadda ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka oo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana lasoo wariyay inuu isku qarxiyay maqaaxi ku taalla Sayidka oo lagu magacaabo Ex Baar Bulsho halkaasi oo ahey goob dadku ay fadhiistaan.

Ugu yaraan illaa 5 qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo kamid ah dadkii ku sugnaa maqaayadda la qarxiyay.

“Maanta 29/Sep/2023 abaare 16:10 PM, ayaa qof naftii halige [Al-shabaab] ka tirsan isku qarxiyay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala Baar Bulsho Degmada Howlwadaag. “ayaa ku qornaa war saxaafadeedka uu soo saaray afhayeenka booliska Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here